Posts

Bankiga Aduunka Oo Dowladda Somalia Ku Eedeyey In Kaluumeysiga Badda Somalia Ay Qandaraas Ku Siisay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Mauritius

Bangiga Aduunka ayaa eedeyn culus usoo jeediyay dowladda Soomaaliya kadib markii heshiis ay la saxiixdeen shirkad laga leeyahay wadanka Mauritius in ay maamusho sharciyada kalluumaysiga badda Soomaaliya.

Bankiga aduunka ayaa ku sheegay war bixin ay ugudbiyeen deeq bixiyayaasha in falka dowladda Soomaaliya ku kacday uu yahay mid ka soo horjeeda danaha guud ee wadanka.

Bankiga Aduunka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in heshiiskaas la Kansalo si uu usoo kabsado dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo burbursanaa waqti dheer.

Gudiga maaliyadda Bankiga aduunka ayaa waxaa ku jiray warbixin uu u diray wadamada deeq bixiyeyaasha "In la siiyo shirkad ka diiwaan gashan dalka Mauritius gacan ku haynta kalluunka badda iyo ka ilaalinta kalluumaysiga sharci darrada ah waa xad ku gudub'' .

Heshiiskan Soomaaliya ay la gashay Shirkad Mauritius ayaa dhacay bishii July sanadkii 2013-ka , waxaana la sheegay in shirkaddaas aysan ilaa hadda si sax ah u howlgelin balse ay jiraan Laysino aan la aqoonin meel laga soo saaray oo ay wataan Maraakiib kaluumaysato ah oo Badda Soomaaliya ku jiro.

Maraakiibta wata Rukhsooyinka been abuurka ah waxaa u badan kuwo laga leeyahay dalalka Shiinaha iyo Iran.

Bangiga aduunka ayaa aaminsan in badda Soomaaliya ay kalluun qaali ku jiraan loona baahanyahay in la ilaaliyo si dhaqaalaha dalka uu soo kabo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain