Barcelona oo caawa beerka ka garaacday Real Madrid,Ceebaa ka dhacday + sawiro


Barcelona ayaa caawa Adduunka oo soo jeeda ku hor ceebaysay kooxda weyn ee Real Madrid oo garoonkeeda Santaigo Bernabeu joogta waxaana ay uga badisay 4-0.

Messi ayaa ciyaartan qeybta koowaad keydka ku soo bilowday waxaana uu soo galay Barcelona oo seddex gool leh. Qeybta koowaad Barcelona waxaa labo gool u dhaliyay xiddigaha kacsan beryahan ee Neymar iyo Suarez.

Qeybta labaad Andre Inista ayaa goolka seddexaad ugu daray waxaana markaas kadib badal ku yimaaday Messi.

Kadib Suarez ayaa goolka afaraad ugu daray Real Madrid oo horay marada uga sii riday.

Isco oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa Roose ku qaatay Neymar oo si ula kac ah ah uu u haraantiyay.

Barcelona ayaa haatan lix dhibcood ugu hogaamineysa Real Madrid horyaalka La Liga.








SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain