DAAWO SAWIRO: UNFPA iyo wasaarada Haweenka Puntland oo u dabaal dagay sanad Guuradii 1-aad ee Olalaha yareynta Umul Raaca( CARMMA)


Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan Horumarinta Bulshada (UNFPA) , iyo wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ahna Danjiraha Olalaha yareynta umul raaca iyo badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ee Carmma Anisa c/qaadir xaaji Muumin ayaa u dabaal dagay sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii Barnaamijka Dardar gelinta dadaalka lagu yaraynayo umul raaca iyo isku dhimashada Hooyada iyo dhallaan laga daafuray Puntland , sanadkaas oo guul laga gaaray arrimaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo munaasibadaas booqatay Cusbataalka Garowe ayaa sheegtay, in ujeedada barnaamjku tahay in la yareeyo dhimashada hooyada iyo in la helo umulisooyin xirfad leh guud ahaan Puntland, ayadoo ku dartay in ololuhu door ka qaatay hoos u dhac ku yimid tacadiyooyinka ka dhanka ah haweenka.

Dr. Kadirov oo ah sarkaal ka tirsan hay'adda UNFPA oo isna ka hadlay munaasibada ayaa ballan-qaaday in ay ka caawin doonanaan CARMMA Puntland sidii loo heli laha umulisooyin xirfad leh oo cawin kara hooyada inta ay uurka leedahay, dhalmada iyo dhalmada kadib.

Sidoo kale waxaa munaasibada ka hadlay maamulaha guud ee cisbitaalka Garow, Dr. Cabdisamad oo qiray in la arkay hoos u dhac muuqda oo ku yimid dhimashada hooyada tan iyo markii la bilaabay barnaamajka CARMMA.

Olalaha yareynta umul raaca iyo badbaadinta hooyada iyo dhallaanka ee Carmma ayaa puntland laga daahfuray 17-ka bishii November ee sanadkii hore 2014 iyadoo muddadaasi lagu guulaystay in la tababaro umulisooyin badan sidoo kalena waxaa la furay xarumo caafimaad oo u gaar ah Hooyada iyo dhallaanka.




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain