Posts

Deg Deg:- Dagaalkii Gaalkacyo oo meel xun maraya iyo CC Sharmaarke oo Baaqday

Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaalkii u dhaxeeyey Maamulka Galmudug iyo Puntland ee saaka ka bilowday magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug uu hadda xoogaystay waxaana magaalada laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisa hadda ka socda xaafada Garsoor, waxaana magaalada laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan sida hoobiyaasha waxaana sidoo kale bar bar socda barakac iyo qax aad u badan.

Raisul wasaare CC sharmaarke oo maanta ku wajahnaa Magaalada Galkacyo ayaa safarkiisa baaqday waxaana loo aanaynayaa in safarka Raisulwasaaraha uu baajiyey dagaalada kharaar ee hadda kasocda Magaalada Gaalkacyo.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas waxaana idiinku sheegi doona wararka xiga Insha allah.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain