Posts

Deg Deg:- Doon laga leeyahay Iiraan oo ku Degtay Xeebaha Puntland

Dooni laga leeyahay dalka Iiraan ayaa ku dagtay xeebaha Degaanka Qandala ee Gobolka Bari,ka dib markii doonta dagtay ay xamili wayday dabaylo iyo Mawjadaha badda oo aad u kacsanaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga Puntland Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid oo la hadlay Warbaahinta ,ayaa sheegay in shaqaalaha saarnaa doonta uu ka badbaaday hal qof oo kaliya.

"Saaka illaa saddex saac ayaa badda degmada Qandala ay aad u kacday,waxa dagtay doon laga leeyahay Iiraan waxaa laga badbaadiyay hal qof oo kaliya"Ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid.

Puntland wali faah-faahin kama bixin Dadka Saarnaa Doonta ee ku dhintay ama la weysan yahay marka laga Reebo Qofka badbaaday.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain