Banaanbaxyo looga soo horjeedo Kalluumaysiga Sharci darada oo Puntland laga diyaarinayo

Jariifka sharci darada ah ee lagu hayo badda Puntland ayaa noqday mid
sii xoogaysanaya mudooyinkii lasoo dhaafay, waxayna sabab u noqon
kartaa haddii aan tilaabo adag laga qaadin inay dib usoo laabato
falalkii burcad badeeda.

Agaasimaha xafiiska la-dagalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq
Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa sheegay inay wadaan qaban qaabo ku
aadan sidii looga dhiidhiyi lahaa weerarka lagu soo qaaday badda
Puntland, taasoo saamaysay nolasha qoysaska ku nool magaalooyinka
xeebaha leh.

Ducaysane waxa uu sheegay Xasan Shiikh Maxamuud kala hadli doonan
sidii uu beesha caalamka ugala hadli lahaa wax ka qabashada arrintan,
maadama horay madaxweynihii Somalia Sheekh Sharif Sheekh Axmed,
Qarmada Midoobay u diray qoraal uu ku codsanayay in biyaha Somalia
laga waardiyeeyo maraakiibta guranaysa khayraadka badda.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horay u sheegay
in masiibo qaran tahay xaalufka lagu hayo xeebaha Puntland, balse taa
badelkeeda xukuumadiisu waxay ruqsado u jartay kumanaan doomo iiraan
iyo yaman laga leeyahay oo doonyihii kaluumaysata kalluunka ka iibsan
jiray kaluunkii ku fallisay oo suuqa ka saaray taas oo saamaysay
dhamaan kalluumaysatadii deegaanka u dhashay oo badelkoodii
kalluumaysato carab ah xeebtodii kalluunkii ka jilaabanaayaan.

Dhalinyaro kalluumaysato ah oo shaqo la,aan ku dhacday ayaa ku
hanjabaaya inay dab qabadsiin doonaan doonyahaas soo weerary ee sida sharcidarada ah uga kalluumaysanay xeebahooda ayagoo tilmaamay inay masuuliyadas ay qaadayso Xukuumada C/wali Gaas.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain