(Dhagayso): Burcad badeed afduubtay doon si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland

Agaasimaha la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa saaka sheegay in koox burcad badeed ah ay dooni ku afduubeen bariga degmada Eyl ee Gobalka Nugaal, taasoo ka dhigay inay dib usoo laabteen falalkii Burcad badeeda oo Puntland laga suuliyay 2012-kii.

Ducaysane oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sidoo kale sheegay in burcadu Markab kale Afduubeen balse ay sii daayeen, mana uusan cadeyn sababta lagu soo daayay balse Agaasimahan ayaa sheegay xogta soo gaaraysa ilaa iyo hadda inay sheegayso in ay kooxdaasi Burcadda ah oo ka kooban saddex qof gacanta ku hayaan Doonidaasi oo laga lee yahay Taiwan balse calanka Iiraan uu ka dul-babanaayo.

Agaasimaha la-dagalanka Burcad badeeda ayaa sheegay in doonidaan la afduubtay u badan tahay mid si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland, wuxuan sheegay kooxdii afduubtay inay la aadeen dhinaca degmada Ceelhuur ee Gobalka Galgaduud.

halkan ka dhagayso waraysiga agaasimaha



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain