(DHAGAYSO): Mamulka Baargaal oo shacabka uga digay Duufaanta MEGH

Xoghayaha dowladda hoose degmada Baargaal Siciid Cawil Dhuxul ayaa sheegay in dadka ku nool degmada ka wacyi galiyeen duufaanta MEGH oo laga cabsi qabo inay ku dhufato deegaanada xeebaha leh ee Puntland.

Dhuxul waxa uu sheegay Baargaal inaysan wax saamayn ah Duufaantii hore iyo tan hadda la saadaaliyay uusan kasoo gaarin, balse ay mar kasta diyaar u yihiin sidii looga war qabi lahaa wararka ka imaanaya Hay'adda Saadaasha hawada iyo war bixinada wasaradda arrimaha gudaha, waxa kale uu sheegay duufaantii hore inay waxyeelo soo gaarsiiysay wadooyinka soo gala degmada Baargaal, kuwaasoo ilaa iyo hadda aan waxba laga qaban.

Waddadii isku xiri jirtay Bareedo iyo Baargaal iyo tan Lafa-gorayo ayaa go'an waxaana jira, guryo iyo beero duufaantu waxyeelo soo gaarsiisay kuwaasoo qaarkood ku yaala degmada Bareedo.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain