(Dhegeyso) Puntland oo ka digtay duufaan kale oo ku soo wajahan deeganadii ay ku dhufatay Chapala

Hay,ada Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland Hadma ayaa ka digtay Duufaan hor leh oo ku soo wajahan deegaanada Puntland gaar ahaan deegaanadii ay duufaantii hore ku dhufatay iyo dhanka bariga ee Gobalada bari iyo sanaag.

Maareeyaha Hay'ada ka Hortagista Masiibooyinka Puntland ee HADMA C/laahi Cayrow oo la hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in duufaanta oo lagu magacaabo STROBICAL STROM ay haadan fadhido halka loo yaqaan Bada carabta waxaana sabtida ama axada ay soo fariisanaysaa jaziirada socotra oo dhaxaysa soomaaliya iyo Yemen.

Cayrow ayaa ugu baaqay dadka degan dhulka xeebaha ah ee ay ku soo wajahantahay duufaanta iyo dadka dagan bariga gobalada bari iyo sanaag inay ka digtoonaadaan khataraha ka imaan kara duufaantaasi.

Cayrow waxaa sidookale uu ka warbixiyey halka ay marayso dadaalada lagu doonayo in wax looga qabto waxyeeladii ay gaystay duufaantii Chapala waxaana uu sheegay in loo dirayo deegaanadaas gudiyo isugu jira dowladda iyo hay,daha caalimiga oo soo qiimeeya.

Halkaan ka dhegeyso waraysiga Cayrow.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain