Posts

Gudiga Nabadgalyada Gobolka Bari oo Digniin adag kasoo saaray Qulqulka Tahriibta, oromada kusugan Xaafadaha Magaalada Bosaaso iyo Dhalinyarada Furata Mobilada Xiliga Habeenkiiya

Gudiga nabad galyada gobolka Bari oo kulan ku yeeshy gudaha magalada bosaso ee xarunta gobolka bari ayaa waxay go aamo adag ka soo sareen dhul daaqsimeed lays ku haysto arimaha tahriibta dhalinta, gadiigka bacaha madow lagu xiro iyo falalka xiliyada habeenki ay dhalinyaradu ka geysato gudaha magaalada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta guriga gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku sugnaa xubnaha uu ka kooban yahay gudigaas oo ay ka mid yihiin nabadoono, waxgrad odayaal iyo weliba qeybaha kala duwan ee masuuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidanka gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Bari Dr Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo saxaafada u akhriyay go aamadan ayaa shegay in dhul daaqsimeed la iibsaday oo shacabku leyahay ay hayaan dadkii gatay waxaana uu xusay in dhulkaasi ay cidna sheegan Karin.

Mr dhado oo ah Gudomiyaha gobolka Bari ayaa waxaa uu digniin adag u diray wadayasha gadiidka ee bacaha madow ugu xiran yihiin, Waxaana uu u sheegay in gadiidkii lagu arko la dul saari doono ganaax, maadaama ay yihiin kuwa inta badan lagu fuliyo wax yaalaha amni darada keeni kara.

Gaba gabadii Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in ay ka dowlad ahaan la wareegi doonaan hantida lagu fuliyo arimaha tahriibta oo inta badan dhalinyarada lagu tahriibiyo, taas oo mudooyinkii dambe ku soo la labatay gobolka, waxana uu xusay in qofkasta oo tahriib lagu qabto laga qaadi doono lacag u dhiganta intii uu magafe ka qaadi lahaa.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain