Isku Shaandhayn la filaayo in Madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas ku sameeyo Xukuumadiisa

Madaxwaynaha dawlada puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inuu isbadal wayn ku sameeyo dabayaaqada sanadkaan Golihiisa Wasiirada, Wasiir ku xigeenada, Agaasimeyaasha guud, iyo wasiiru dawle yaasha.

Isbadalkaan ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeelan doono wasaarado badan iyadoo ila wareedyo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in isbadalku uu ka balaaranyahay kii June 16,2015 dhacay kaas oo u badnaa isbadal lagu sameeyay Golaha wasiirada balse aan saamayn badan ku lahayn wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dawle yaasha.

Warar aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in madaxwayne Gaas uu goduumiyihii hore ee Baarlamaanka Siciid Xasan Shire usoo bandhigay inuu wasiir ka dhigi doono, hase ahaatee uu Mudane Shire diiday codsiga madaxwaynaha.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu isbadal ku samayn doono Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, iyadoo wararku tibaaxayaan in madaxwaynuhu uusan la dhacsanayn agaasimeyaal badan oo uu xilka agaasime horay ugu magacaabay ayna u muuqdaan kuwo xilkoodii gudan waayay, halka kuwo kalena lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

Si kastaba ha ahaatee Shacabka Puntland ayaa u dheg taagaya is bedelka la filayo in Madaxwayne Gaas la yimaado, iyadoo beelaha qaar ay eedo tirsanayaan isla markaana ka dhur sugayaan isbadalka soo socda ee Madaxwaynaha.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain