Posts

War Deg Deg ah — Ciidanka Puntland Oo Gudaha u galay Xaafada Baraxley


kadib markii ciidamada galmudug Xaafada Baraxley ay hoobiyayaal iyo Rasaas kusoo ridey Magaalada Gaalkacyo ayaa Ciidanku ka fursan waayay iney Xoog ku galaan gudaha Xaafada Baraxley oo Maleeshiyaadku gabaad ka dhigteen.

Ciidanka ayaa iminka waxay ku sugan yihiin gudaha Xaafada Baraxley Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay Xaafada banaanka uga saaraan Maleeshiyaadka si loogu turo Dadka Rayidka ah ee ay gabaadka ka dhigteen.

Isbitaalka guura ee Ciidanka Puntland waxaa hada lasoo gaarsiiyey sadex askari oo dhawac ah. Mid kamud ah waxaa durba loo gudbiyey isbitaalka Guud ee Gaalkacyo.

Saaka ayaa laba Hoobiye Maleeshiyaadku kusoo rideen Magaalada waxaana loogu jawaabey Dhowr madfac, markaas kadib magaalada wax xabada kuma aysan soo ridin.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain