Posts

Madaxweynaha Puntland Oo Gudi U Saaraay Gobalada Ay Saameeyeen Duufaanuhu

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gudi heerkiisu sareeyo u magacaabay deegaanadii ay waxyeeladu ka soo gaartay duufaanihii ku dhuftay gobalada Gardafuu,Bari iyo karkaar waxaana gudiga uu magacaabay Madaxweynuhu ay qiimayn ku samayn doonaan sida duufaanuhu waxyeelada uga gaysteen deegaanadaas.

Gudiga ayaa ka kooban:
1.Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga.
2.Wasaaradda Caafimaadka
3.Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska
4.Wasaaradda Waxbarashada iyo Taliinta sare
5.Hay,adda HADMA
6.Hay,ada PHA
7.TVga iyo Raadiyaha Dowladda
8. Gudoomiyayaasha Gobalada iyo Degmooyinka duufaantu ku dhufatay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain