Posts

Maxaa ka jira in Madaxweyne Gaas uu Guri Ka iibsaday Kenya


Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli maxamed cali Gaas, ayaa warar laysla dhexmaraayo sheegaaxaan inuu Guri ka Iibsaday Xaafada Lavington oo kamid ah xaafadaha ugu qaalisan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuul Kenya ku sugan aadna uu la socda Xaalada Iibsiga Guriga ee Madaxweyne Gaas ayaa si hoose ugu soo gudbiyay warbaahinta Qiimaha lagu iibiyay Gurigan oo lagu sheegey in Lacag dhan KSh 300 000 000, Taasoo u dhiganta Afar Boqol Iyo Konton kun oo Dollar.

Xogta Gurigan uu Iibsaday Madaxweynaha Puntland ayaa muujineysa Hanti Boobka Dhaqaale ee uu wado Madaxweynaha Puntland cabdiwali maxamed cali Gaas, Oo Maamulkiisu Awoodi waayay inuu fuliyo ballanqaadyadii uu horay u sameeyay sidoo kalena aan wali bixinin Mushaharkii Ciidamada Puntland Iyo Shaqaalaha Dowlada taasoo muujineysa Musuqmaasuqa ka jira Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Dhamaan iLihii Dhaqaale ee Puntland Sida Dakadaha Airporka, Canshuuraha Bariga Iyo Canshuuraha badda oo uu Maamulka madaxwayne C/wali gaas rukhsado aan loo meel dayin ka iibiyay kumanyaal doonyo jariif ah oo xaaluf ba'an ku haya dhamaan xeebaha puntland.

Ugu danbayntii waxaa meesha ka maqan doorkii barlamaanka puntland oo laga rabay inuu difaaco hantida shacabka lana xisaabtamo masuuliyiinta Dawlada.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain