Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ( Sawirro)

Waxaa magaalada Baargaal saacado badan oo xiriir ah ka da'ay roob mahiigaan ah, kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobkan ayaa biya badan dhigay dhammaan wadooyinka iyo baliyada dhexmara gudaha magaalada Baargaal waxaana sidoo Kale biyo Mareen Toggaga waawayn sida togga Duuba.

Waxa uu ahaa roobka mid xoogan oo sababay in magaalada korontada laga damiyo, si looga hortago in dhibaatooyin ka dhashaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo u waramay warbaahinta Baargaal.net ayaa sheegay inay Ilaahay uga mahad celinayaan naxariista iyo raxmadda uu cirka uga soo dajiyay.

Lamana sheegin wax khasaare ah oo roobkaas ka dhashay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warbaahintu daabacaysay duufaan dabayl wadata oo laga yaabo inay ku dhufato deegaanada xeebaha ah ee gobolada Bari iyo Gardafuu.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain