Sawirka Maanta : Maxaa Kala haysta wariye madaxbanaan iyo wasiirada Qaar

Deegaanad Puntland Waxaa ka hawl gala Wariyeyaal madaxbanaan oo ka shaqeeya TVyada Soomaalida Idaacado,Websityo iyo waliba kuwa siyaabo kala duwan uga warma deegaanada Puntland.

Wasaarada warfaafinta puntland ayaa marar badan soo saartay amaro ay shaqada kaga joojinayso talafishino iyo wariyaal madaxbanaan ayadoo aalaaba degdeg uga noqota go,aamadaasi

goaankii ugu danbeeyay ayaa wasiirka warfaafinta puntland wuxuu soo saaray warqad lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay wariye Jaamac Deperaani kadib markii uu waydiiyay wasiirka suaal ku saabsan musuq-maasuq lagu eedeeyay wasaarada inta uu joogay oo la xiriirtay is daba marinta tababaro warbaahinta Puntland ay heshay, iyadoo ay ka qaybgaleen tababaradaas xubno aan Wariyaal ahayn.

Daawo sawirka
Developed by Jago Desain