Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 4-aad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab


waxay qoyskii iftin heleen dhaqaale degdeg ah waxana usuurtagashay mudo yar ka bacdi iney iibsato babuur xarago {karasiida} ah waxay na bilowday inay ku qaado caruurtii qorax ey walaalaha ahayeen kuna mataaneyso labadii qoys oo xiriir fiican u sameysay intaa kabacdi waxa si hawl yar ugu suurtagashay inay fiidkii kaxeystaan iyada iyo qorax kuna soo sheykeystaan bilaabaana sheeko taxana ah oo si joogta ah ay habeen kasta uga casha doontaan baararka kala duwan ee magalada.

waxaa habeen habeenada ka mid ah ay ku tiri : waxaan doonaya inaan babuurka ku baro si aad marmar inoogu kaxeysid weyna bartay waxay kaloo kula talisay inuu qoraalka barto oo ay iyadu macalin ugu noqoto, hase yeeshee waa usuurto galiwaysay inuu wax barto wuxuuna usheeygay in ay maskaxdiisa mashquul ku tahay ganacsi.

hadii ay mudo sidaa kuwada socdeen bey dhamaan xaafadii ay ku noolayeen isku baratay oo loo bixiyay wadayaal jaceyl la iskuna dacaayadeeyo waxa kaloo iyana isku ogaaday walidiintoodii intaa kadib baa qorax abihii xoogga saaray inuu isu doono wuxuuna ku yiri: wiilkiisa waxan doonayaa aabe inaan reer mire oo ah iftin abaheyd aan ugogol fadhiisano ee rali makatahay waana nin aan is naqaan oo xigto iyo xidid nimoba noohoreysay marki uu wax badan u sharaxay odaygu wey isku raceyn waxayna u balameyn xiligii ay gabadha ardaa dhigi lahayeen oo ah 7 cisho ka bacdi hadii xiligii la gaarayna tagidid oo lasocdaan tolkiis baa u ardaa fadhiistay

markii ay weydiisteyna mire oo awalba ka yaabanaa haasawahan, iyo wada socodkan faraha badan ee gabadhiisa iyo wiil kan isaga iyo xaaskiisuna ay marar badan kala hadleen gabadhooda waxa ay ka damacsantahay nin kan ay isu dhiibtay hase yeeshee way u joojin weyday waxayna ku tiri :aabe iyo hooyo ha iga biqina inuu ixumeyo waan ka foojigahay inaan samcdeena wax udhemo. waana inan edab badan cibaadana leh oo hadii aan caawoo dhan meel cid la ah aan fadhino aan laga yaabin inu far ilasoo aado warwarkaas oo jirayna waxa u fuduuyay in reer mire aney xujo ku noqon arinta ay la socdaan qoyska re tagidid isaga oo aad u faraxsan buu mire ushegay akhyaartii labada dhinac aheyd hadii loobaahdo iskadaa inaan yarad idin weydiiyee anigaaba dhisaya siinayaa guri ay leeyihiin intaa kadibna waxaa labalamay malinta malinteeda in ay yimadaan iyagoo uu qoraxna lasocdo soona kaxeystaan wadaadkii iyo shuhuudadii.

intaa kabacdi wuxuu tagidid u sheygay wiilkiisa iney lakulmeyn tolfiican oo siwanagsan usoo dhaweyay isna afgarteen wuuna ku farxay waxayna ku balameyn khamiista khamiisteeda in meherku dhacayo hadeyn doonana iskumar laga dhigayo arooska iyo meherkaba waxayna usheygeen inuu diyaariyo sooryada iyo kharashka kaleba. wuna aqbalay,

nasiib daro habeenkii dambe markii ay isu yimaaden isaga iyo drs. iftin isagoo faraxsan buu ushegey arinta sidey udhacday iyo in loo balan sanyahay meherkeedii khamiista wuxuuna amaanay aabeheyd sidii fiicned ee uu yeeley. hase yeeshee arintaas iftin waa ku gacan seydhey waxayna ku tiri : walaal qoroxow waxaad ogsoontahay in laba deenu aynu wada soconay mudo badan, manihin dad sidii reer badiyaha la is weydiisanayo tankale aabahay aniga waxa igu yiri: nin alaale ninkii aad rabtid ii keynso anigu nina kugu khasbimayee. mar hadii ay saatahay waxa fiican xili kasta ha inagu qadatee ineynu inagu isku tashano waayo adiguna dhaqaale waad heysataa oo akownkaa ku buuxa aniguna waan shaqesta oo lacagbaa iitala sidaa awgeed arintaas waa inaad dib udhigtaa hada kahorna ilama aadan socodsiin oo qalad kuma lihi qorax oo u arkay hadii uu ka murmo iney ka imaaneyso khilaaf hakiya wada socodkoodii baa aqbalay inuu baajiyo balantii ay lahaayeen labada qoys ee reerka lagu dhisayay.

markii lagaaray xiligii ballanta ayaa goor galab ah waxa uyimi qorax oo aan u diyaar saneyn sidii ay balantu aheyd abihii, wadaadkii, labadii markhaanti oo gaari wata hadii uu aabihii iyo wiil ay walaala yihiin oo bahaha kale ahi soo dageen waxay ku yiraahdeen maxaa dhacay miyaadan diyaar garoobin dad xidid ah baa ina sugayee soo dhaqso soor yadiina iyo kharashkii kalena soo qaad lakiinse qorax oo wax iska badalayn baa yiri : aabo arintii wax baa ka bedelan odaygii oo xanaaqsan qaylinayana baa yiri : maxaad kuhadleysa. qorax baa yiri: aabo gabadhii baa igu diiday arintaas feker kalena qabta isagoo hadalna ka sugin buu yiri: war rag baanu la balanay oo noo diyaar ah, lehna walaayada gabadha ee ina keen adiga uun baa laguu bahan yahee. hase yeeshee qorax wuxuu ku adkeystay inuu fuliyo balantii Drs. Iftin wuxuuna yarestay arintii walidkiisa waxaana layiri: talo walid oo ladiidaa tagooga jab bey leedahay

la soco qeebta danbe
Developed by Jago Desain