Shirkada GOLIS oo 95,000$ oo Dollar Ay Koox Hubaysan Kaga Dhaceen Magaalada Garowe

Shirkada isgaarsiinta GOLIS ayaa magaalada Garowe ay kaga dheceen Koox Hubaysan lacag dhan 95,000$ oo Dollar, Xili ay Lacagta gaari ku sideen Shaqaalaha shirkada ee xarumaha Laamaha Magaalada ku yaal.

Xiligii lacagta la dhacay Ayaa ahayd galab, iyadoo shaqaalihii iyo Garigii lacagtu saarnayd ay in cabaar ah Haysteen Kooxdan Weerarka soo qaaday Kadibna lacagtii la wareegeen Kooxdu iyad oo aan Cidina Wax ku Noqon Weerarkaas.
Developed by Jago Desain