Shirkada Golis oo xirtay baaritaana ku wada shaqaalihii dhawaan laga dhacay lacagta gaaraysay 95,000 dollar

Shirkada isgaarsiinta ee Golis telecom xafiiskeeda Garowe ayaa xiray shaqaalihii dhawaan dhaca loo geystay ee laga qaatay lacago shirkadu lahayd oo lagaso aruuriyay xafiisyada shirkadu ku dhex leedahay Garowe.

Darawalkii waday gaariga iyo saddex kamid ah shaqaalaha ayaa wax laga weydiinayaa qaabkii uu falkaan ku dhacay, iyadoo ay soo baxayaan tuhuno la xiriira in ay falkaan ku lug lahaayeen shakhsiyaad katirsan shirkada, oo uu baaritaan ku socdo.

Ilaa iyo hada ma jiraan cid ogaatay halka ay ku dambeeyeen kooxdii dhawaan dhaca ugeysatay shirkada Golis, kuwaas oo ka qaatay lacag gaaraysa ilaa 95 kun oo Dollar.

Falkaan ayaa saameyn ku yeeshay howlaha shirkada, iyadoo shirkadu taxadar weyn ka gashay in mar kale loo geysto dhac midkii hore lamid ah.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain