Posts

Qaraxyo ka dhacay Beyruut oo ay ku dhinteen 43 qof

Ugu yaraan 43 qof ayaa xalay ku dhintay labo qarax oo ka dhacay koonfurta Caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafada ay ku badan yihiin dadka shiicada ah iyo taageerayaasha Xisbullah, waxaana la sheegay in weerarkan ay fuliyeen labo qof oo is-qarxiyey.

Kooxda ISIS ayaa sheegatay inay weerarkan ka danbeysay, waxaana la rumeysan yahay in qof sadexaad oo isaguna is-qarxiin lahaa uu si aan ku talo gal ahayn ugu dhintay qaraxa labaad ee ka dhacay xaafada Burj el-Barajneh oo saaran wadada weyn ee tagta Airporka magaalada Beyruut.

Weerarkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa kii ugu xooga badnaa ee ka dhaca dalkaasi muddo 25 sano ah.

Maanta oo Jimce ah ayaa dalkaasi Lubnaan looga dhawaaqay maalin baroor-diiq ah oo lagu xusayo dadkii ku dhintay weerarkii xalay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain