Waa sidee xaalada caawa ee magaalada Gaalkacyo

Caawa daganaansho ayaa laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo, oo ay maanta Maleeshiyo ka soo jeeda Koonfurta magaaladu weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Ilaalada Dawladda Hoose ee Puntland oo dhisayey Wado Laami ah oo laga dhisayo Laamiga dheer ee Gaalkacyo.

Ilaa hada dhaawacyada labada dhinac ayaa la xaqiijiyey in ay gaarayaan 60 qof, sidaas oo kale dhimashada ayaa ah 6 qof guud ahaanba, sida ay xaqiijinayaan Ilaha caafimaadka ee Koonfurta iyo Waqooyiga.

Ganacsiga ayaa furmay caawa meelaha qaarkood, waxaase jirtay digtoonaan gaar ah, maadaama wax kasta la filan karo, mana jiraan wax wada hadal ah oo dhexmaray labada dhinacba.

Baaqyo nabdeed ayaa jira, waxaana suuragal ah in ay xaaladu daganaansho dib ugu laabato berito, iyadoo ay dadweynuhu doonayaan nabad iyo daganaansho ka dhacda magaalada Gaalkacyo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain