Waddamada Yurub oo Maal-gelinaya Afrika si looga Hor-tago Faqriga iyo Qulqulka Qoxootiga

Ururka Midowga Yurub ayaa maanta shaaciyay in maal-gelin deg-deg ah ay ku sameyn doonaan Afrika, iyagoo ku deeqay dhaqaale gaaraya 2-bilyan oo doollar, si wax looga qabto saboolnimada iyo colaadaha, kuwaasoo sabab u ah qoxootiga faraha badan ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub.

Yaboohan dhaqaale oo looga dhawaaqay kulan ay madaxda Yurub iyo Afrika uga socday laba maalmood jasiiradda Malta, iyadoo mas'uuliyiinta ururka Midowga ay gaba-gabadii kulanka ka sheegeen in waddamada Yurub ay lacagtan bixiyaan, iyadoo waddamo dhowr ah ay kaga dhawaaqeen kuklanka yaboohooda.

Sidoo kale, kulanka ayaa laga soo sheegay in 28-ka dal ee Qaaradda Yurub ay sannadkiiba bixin doonaan 20-bilyan oo Euro, taasoo lagu caawinayo dalalka Qaarada Afrika. Waxaana dhaqaalahan lagu bixin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin tababarro, ganacsiyada yar-yar ee dadka Afrika loo sameynayo, ka hor-tagga cunno yarida, joojinta tahriibka, ka hortagga xajirnimada iyo colaadaha kale.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa lasoo gudboonaaday dhibaatooyinkii ugu xumaa in ka badan Nus Qarni, iyadoo sannadkan ay waddamada Yurub galeen qoxooti ka imaanaya Suuriya iyo waddamo kale, taasoo sababtay in shirka Malta la qabto.

Dhaqaalahan ay Yurub ugu deeqday Afrika ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dallaka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee ay ka imaanayaa qoxootiga Yurub ku qul-qulaya, sida dalalka Geeska Afrika, kuwa ka hooseeya saxaraha iyo dalalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Waddamada Midowga Yurub ayaa waxay sanad walba siin jireen ururkooda 78-milyan oo Euro, balse madaxda Midowga Yurub ayaa waxay rajeynayaa inay lacagtu intaas ka badan doonto. Iyadoo madaxdii waddamada Afrika ee shirka ka qaybgalay ay qaarkood sheegeen in dhaqaalaha lagu baaqay aan waxba looga qaban karin dhibaatada ka jirta Afrika.

Ugu dambeyn, Warbixinta lagu soo saaray shirka Malta ku dhexmaray Afrika iyo Yurub ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli toddobaadkii hore ay mas'uuliyiinta Midowga Yurub ay sheegeen in 3-milyan oo qof oo magan-galyo doon ah ay Yurub kusoo wajahan yihiin illaa sannadka 2017-ka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain