War deg deg ah: Wariye Axmed Xasan Cowke oo ku geeriyooday Jigjiga

Wararka naga soo gaaraya saaka oo Tallaado ah xarunta mamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa sheegaya saakadii hore inuu magaladaasi ku geeriyooday wariyihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Axmed Xasan Cowke.

Wariye Axmed Xasan Cowke ayaa waxaa kusoo booday xanuun deg deg ah, kaasoo sababay inuu markii danbe u geeriyooda.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya. Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isagoo si weyn loogu yaqiinay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.

Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefishin oo gaar loo leeyahay

Mamulka iyo shaqalaha Shabakadda Baargaal.net waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelkii iyo qaraabadii Axmed Xasan Cowke ka baxay, bahda saxaafada iyo dhamaan ummada soomaaliyeed wuxaana illaahey uga baryaynaa inuu janadi firdowsa ka waraabiyo ka waraabiyo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain