Posts

Wararkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo & Diyaar garow kale oo caawa Magaalada laga dareemayo


Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo siwayn looga dareemayaa dhiilo colaadeed, iyadoona bari mar kale laga cabsi qabo in uu qarxo dagaal kale oo ka khasaaro badan kara kii maanta ka dhacay magaalada.

Ciidamada Puntland ayaa maanta dagaalkii ka gaaray guulo kadib markii ay tageen duleedka Koonfureed ee Xaafada Baraxalay, waxaana Sarakiil u hadlay Puntland ay sheegeen in uu soo dhammaaday intii badnayd hawlgalku barina sifayn la bilaabayo.

Ciidanka Puntland ayaa caawa ku sugan fariisimo galabta ay ka samaysteen duleedka Koonfureed ee Baraxlay, waxaana sidoo kale ciidamada ku sugan Dufaaca bari ee ka koreeya Garoonka Cabdulaahi Yuusuf la sheegayaa in fariisimahooda dhanka baraxlay ay u durkiyeen. dhinaca kale wararka laga helaayo Xaafada Baraxalay ayaa sheegaya in abaabul ay wadaan Malayhsiyaadka & Ciidanka Galmudug kuwaas oo dagaalkii maanta looga itaal roonaaday

Dagaalkii maanta oo saacado badan qaatay xoogiisuna bilaamay 1 duhurnimo wixii ka dambeeyay ayaa khasaaraha dhanka Galmudug gaaray lagu sheegay dhimashada 23 & dhaawac intaas ka badanyahay, waxaana dhanka Puntland ka dhintay 6 askari

Developed by Jago Desain