Wasaaradda Haweenka Puntland oo xustay Maalinta Carruurta Adduunka (Sawirro)

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland ayaa maanta oo jimco ah xustay maalinta caalamiga ah ee Carruurta aduunka oo sanad kasta ku beegan 20 Novmber.

Xuskaan oo ka dhacday xarunta wasaaradda haweenka ayaa lagu casuumay carruur yaryar oo lagasoo kala xulay dugsiyada iyo kooxaha isboortiga, kuwaas oo lala wadaagayay dareenka farxada maalinta carruurta aduunka.

Sanadkan 2015 ayaa xuska hal-ku dhig looga dhigay ka hortaga tacadiyada iyo shaqaaqada ka dhanka ah carruurta sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda haweenka mudane C/risaaq Nuux Maxamed Ciise (Hantiile). Agaasimaha wasaaradda haweeenka ayaa waalidiinta iyo macalimiinta ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda carruurta si aan mustaqbalkooda dhibaato loogu geysan, wuxuuna sheegay wasaaraddu inay dabagal ku sameynayso cid walba oo lagu tuhmayo inay waxyeelayso carruurta.

Khadro Odey oo ah agaasimaha daryeelka carruurta ee wasaaradda haweenka ayaa munaasabada ka jeedisay warbixin ku saabsanayd maalinta carruurta aduunka , iyadoo sheegtay Soomaaliya inay kamid tahay wadamada meel mariyay qaraarka daryeelka carruurta ee QM.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo ugu dambayn munaaasaada ka hadashay ayaa sheegtay muhiimada maalintan inay tahay sidii loo iftiimin lahaa horumarka laga gaaray baahiyaha carruurta ee dhinac walba.

Wasiirka haweenku waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay la dabaal degaan ubadka soo koraya, iyadoo tilmaamtay inay muhiim tahay in la ilaaliyo caafimaadka,waxbarashada iyo koriimada carruurta.

wasiir Anisa ayaa sheegtay in 45% la gaarsiiyay waxbarashada gabdhaha, taasoo muujinaysa dadaalka wasaaradda haweenka, laakiin waxay cadeysay inay weli jirto dhibaatooyin ku geedaaman carruurta, waxayna ugu baaqay hay’addaha ka shaqeeya xuquuqda carruurta inay kala qeyb qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka carruurta reer Puntland.

Ugu dambayn wasiirka haweenka Aniso Cabdulqaadir ayaa koobab iyo hadiyado kala duwan gudoonsiiyay labo kooxood oo ciyaartoy ah oo ay wasaaraddu shalay u qabatay tartan kubadda cagta ah.

Halkaan ka dhegeyso khudbada wasiirka Haweenka .










Developed by Jago Desain