Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo abaalmarisay 10 kamid ah shaqaalaheeda

Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa abaal marisay toban qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaradda, ka dib markii maalintii shalay xarunta wasaradda lagu qabtay munaasibad ay kasoo qayb galleen masuuliyiin kala duwan.

Tobanka qof ee wasaradda haweenka abaal marisay ayaa qaarkood laga soo xulay degmooyinka kale ee Puntland iyo xarunta dhexe ee wasaradda, qaarkood waa shaqaalaha hoose ee wasraadda oo markii ugu horaysay munaasibad lagu abaal marinayo oo qabtay.

Munaasibadda waxaa kasoo qayb galay wasiirka haweenka, wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqalaha, wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, xeer ilaaliyaha guud, gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka socday bulshada rayidka iyo hay'addaha la shaqeeya wasaradda haweenka.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadlay abaal-marinta shaqalahaan ayaa waxay tilmaameen inay ku faraxsan yihiin dhiirigalinta bilowga ah ee ay wasiirka haweenka Puntland samaysay, waxa kale ay sheegeen inay tahay arrin ku dayasho mudan oo madal noocaan oo kale ah lagu abaalmariyo shaqaalaha kartida iyo dadaalka muujiyay.

Qaar ka mid ah shaqalaha la abaal mariyay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dareenkooda inuu kacsan yahay ayna ku faraxsan yihiin abaalmarintan oo lacag iyo shihaado isagu jirtay.

Ugu danbeyntii wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin oo khudbad ay ka jeedisay kulanka abaal-marinta ayaa sheegtay adduunka horumaray inuu dhaqaale ku bixiyo sidii uu u abaal marin lahaa shaqaalaha wanaagsan ee kartida lasoo baxay, waxay sheegtay sidoo kale shaqalaha wasaradda Haweenka inay yihiin dad wanaagsan oo kasoo baxa shaqooyinka loo diro.
Anisa Xaajo Muumin ayaa sheegtay tobanka qof ee la abaalmariyay in lagu doortay sida wanaagsan ee ay shaqadooda uga soo baxeen sanadkan dhamaadka ah, si la mid ah ayay shaqaalaha kale ku sheegtay inay yihiin dad howlkar ah, waxayna ku dhiirigalisay inay ku daydaan dadka la abaalmariyay.

Waa markii ugu horaysay oo shaqaale intaa leeg wasaradda Haweenka Puntland ku abaalmariso shaqadii ay qabteen 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.








SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain