Posts

Dab Qasaare Geystey oo Caawa ka kacay Boosaaso


Waxaa uu caawa dab ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaala magaalada Bosaso ee xarunta ganacsi Puntland, kaasi oo geystay khasaare maaliyadeed.

Dabkan ayaa ka kacay seddex xaruumood oo lagu iibiyo shidaalka, raashiinka iyo goob lagu iibiyo agabka waxbarashada ee ku yaalay bartamaha magaalada.

Waxa uu ka dhashay markiisa hore dabka sida ay goob joogayaal u sheegeen warbaahinta mid ka mid ah baalayaasha korontada.

Dadaalo xoogan oo ay sameeyeen maamulka degmada Bosaso iyo qeybaha kale duwan ee bulshada ayaa lagu guuleystay in la dabiyo dabka.

Duqa degmada Bosaso Injineer Yasiin Mire Dacar oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabkan ka kacay magaalada uu ahaa kii ugu khasaaraha yaraa ee magaalada ka kaca.

Khasaare maaliyadeed oo aan sidaa u badnayn ayaa ka dhashay dabka, alaabtana inteeda badan waa laga saaray oo waa la badbaadiyey, inkastoo ay jireen fuustooyin shidaal oo qarxay ayuu yiri duqa degmada Bosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud Dacar
Developed by Jago Desain