Weerar Is Miidaamin Ah Oo Lagu qaaday Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Sh Aadan

Wararka ka imanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqasho ku tegey degmada Afgooye hase yeeshee gelinkii dambe ee maanta isagoo soo maraya deegaanka Carbiska ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin ah, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in uu ka badbaaday Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah wafdigii la socday Madaxweynaha.

Waa markii labaad ee weerar ismiidaamin ah lagu qaado madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Madaxweynaha Koofur Galbeed isagoo maraya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain