4 Haween Soomaali ah oo kasoo Muuqday Maxkamad ku taal Dalka Kenya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa sheegayo in Maxkamad kutaal Mgaaladaas lagu saarayo 4 Haween ah oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeyay inay xiriir laleyihiinUrurka Al-Shabaab.

Dacwad oogayaasha ayaa haweenkaan Soomaalida ah ku eedeeyay inay diyaariyeen shirar qarsoodi ah oo lagu maleegayay weeraro ka dhaca magaalada Mombasa iyo magaalooyin kale  ooDalka Kenya ah.

Haweenkaan ayaa lagu sheegay Magacyadooda Xaliimo Cali, Khadiija Cali Maryan Cabdi iyo tan afaraad oo magaceeda lagu soo koobay Ummul-Kheyr ayaa waxaa dacwad oogayaashu ku eedeeyeen inay xubno fir fircoon ka yihiin Xarakadda Al-Shabab oo ay u diyaariyeen weeraro ka dhaca dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa lagu eedeyay Haweenkaan Soomaalida ah inay Qoreen Dhalinyaro udhalatay Wadanka Kenya si ay uga mid noqdaan Al-Shabaab waxaana kalo lagu eedeyay Haweenka inay Marti galiyeen Rag ka tirsan Al-Shabaab oo dhumalaysi ku soo galay Mombasa.

Daniel Wamotsa oo ah garyaqaanada dacwada ku oogay haweenkaan Soomaalida ah ayaa sheegay in mid ka mid laga helay Kombuyuutar ay leedahay Sawiro Xubno qayb ka ah Ururka Al-Shabaab oo ay Dowlada siwayn u doonaysay.

Haweenkaan ayaa waxa ay shegeen inaysan wax lug ah ku laheen eedemaha loo soojediyay waxaana xuseen in aanan waxbo ka jirin Tuhunka lagu Tuhunsanyahay.

Dhanka kale Maxkamada ayaa wali wax Xukun aan gaarin walina waxa ay aruurinaysaa Cadaymo ku filan oo cadaynaayo Danbiga loo haystoHaweenkaan Soomaalida ah

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari

Developed by Jago Desain