Fanaanada Saado Cali Wiil ay Dhashay oo Shirkada Dahabshiil Maxkamad la fuulay

Allha u naxariisto Fanaanada Caanka ahayd ee Saado Cali ayaa Wiil ay dhashay waxa uu maxkamad la fuulaya shirkadda xawaaladda Dahabshiil oo uu ku eedeeyay inay lacag ku bixisay dilkii hooyadiis loogaystay, sidaas waxaa lagu qoray Boga The Star Tribune ee ka soo baxa Minnesota

Marxuumad Saado oo 64-jir ahayd ayaa bartamihii 2014 lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Labo nin oo lagu eedeeyay dilkeeda ayaa la qisaasay bishii May ee sanadkan.

Wiilkeeda Xarbi Xuseen oo ku nool Minneapolis ayaa ku eedeeyay shirkadda inay lacag malaayiin doollar ah dul dhigtay madaxa hooyadiis kaddib markii ay Dahabshiil ka carootay hees ay marxuumadda ku dhaleeceysay shirkadda.

Wax yar ka hor dhimashadeeda, Saado ayaa dhaleeceyn u jeedisay shirkadda, iyadoo ugu baaqday Soomaalida inaanay wax ganacsi ku samaysan shirkadda.

Wiilkeeda Xarbi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo kiiskan. Sidoo kale shirkadda ayaan wali ka hadlin dacwadda.

Ka hor intaysan ku soo noqon Soomaaliya 2012, Saado waxay ku noolaan jirtay magaalooyinka New York iyo Minneapolis ee dalka Mareykanka.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari

Developed by Jago Desain