Gudiga Akadeemiyada Afsoomaliga oo shahaado sharafeed gudoonsiiyay madaxweynaha Jubbaland

Gudoomiyah Gudiga Akadeemiyada Af soomaaliga Maxamed Daahir Afrax ayaa shahaado sharafeed gudoonsiiyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam kadib markii uu madaxweynuhu qaaday talaabooyin hiil u ah jiritaanka afsoomaaliga.

“Billadan waa markii koowaad oo aan siino qof mas’uuliyadiisu heerkan gaarsiisantahay, wuxuuna ku muteystey sida uu u dhawrayo afka Soomaaliga, isaga oo soo saaray wareegto Afka Soomaaliga lagu waajibanayo Jubbaland dhexdeeda” ayuu yidhi gudoomiye Afrax.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Bishan gudaheeda soo jeediyay in madaxda Soomaaliyeed adeegsadaan afsoomaaliga xiliyada ay ka qeyb galayaan shirarka ka dhacaya dalka gudihiisa, soo jeedintaas oo hada dhaqan gashay

Dhinaca kale madaxweyne Axmed madoobe ayaa maamulkiisa ku booriyay adeegsiga afsoomaliga xiliyada ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari

Developed by Jago Desain