Hay’adda FAO oo xeebaha Soomaaliya iyo Puntland ka bilawday mashruuc kalluumaysi oo ay ku taageerayso Dawladda Soomaaliya

Maalintii salaasadii 1-dii bishi December 2015 ka markab dagaal oo sita calanka hawlgalka Atalanta ee ITS Carabiniere ayaa si guul ah u dhamaystiray shaqadii  u ku wehelinayey markabka hay’adda FAO ee qaramada midowbay ku dhigtay xeebta Soomaliya agabka lagu soo jiidanayo kalluunka.

12-kii bishi November 2015 ka waxa ka bilaamay xeebta Muqdisho shaqo qaran oo lagu dhigayo 25 xabo oo agabka soo jiita kalluunka si kor loogu qaado tayada cuntada iyo wax soo saarka, Hawshaasi waxay qaadatay 3 todobaad si ay uga gudubto xeebta dherer keegu yahay 3300km ilaa Boosaaso.

Intii lagu gudo jiray hawshaasi markabka hay’ada cuntada ee qaramada midowbay ee FAO waxaa ku wehelinayay hawsha markabka HNLMS Groningen iyo ITS Carabiniere. kaasi oo ka ilaalinayay weerarada burcad badeedka markabka FAO iyo ciidankii la socday.

Taliyaha sare e ciidanka badda hawlgalka Atalanta Rear Admiral Barbieri wuxuu sheegay sidii muhiimka lahayd ee ay uga qayb qaateen, waxaanu yiri “waxay noo ahayd fursad aan si cad ugu tusaynay markale in ciidanka EUNAVFOR ay ka go’an tahay in ay Soomaliya u kaalmeeyan si ay u noqoto qaran sugan oo xasilan.

Halkaas waxa ka muuqatay siyaabaha ay u wada shaqeynayaan Midowga Yurub iyo qaramada midowbay dowlada Soomaliya. Si aykor ugu qaadaan awoodahooda badda, una horumariyaan khayraadka badda, si ay bulshada soomaliya u heesho dakhli joogta ah.

Kadib markii halkaas markabkii ITS Carabinere u ku dhamaystiray hawlgalkii uu ku tageerayay markabkii UN-ta ee hay’ada FAO wuxu ku noqday goobtiisii ahayd in uu ka waardiyeeyo xeebta Soomaliya ee uu ka difaacayey weerarada burcad badeedka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari

Developed by Jago Desain