December 14, 2015

Madaafiic caawa ku socota garoonka Aadan Cadde iyo ciidamo ku qulqulaaya

SHARE

Wararka naga soo gaaray dhanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Caawa halkaasi laga maqlaayo rasaas xoogan.

Rasaasta ayaa waxa ay barbar soctaa Madaafiic ku dhaceysa qeybo kamid ah Garoonka, xili halkaasi ay deegaan ku yihiin madax isugu jirta Somali iyo cadaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda ku qulqulaaya garoonka waxaana Hubka culus garoonka ka dhex ridaaya Ciidamada AMISOM

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hubkaasi lagu weeraraayo doon dhex heehaabeysa Badda oo madaafiic kusoo garaacday Garoonka waxa ayna ciidamo u jawaabayaan doontaasi.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ammaankeeda gacanta ku haya Ciidamada AMISOM, iyadoo saldhig weyn ku leeyihiin Xerada Xalane oo xeyndaabka garoonka ka tirsan.

DFS wali kama aysan hadal Madaafiicdaasi, inkastoo Saraakiisha qaar ay sheegayaan in Hubkaasi lagasoo ridaayo meelo fog fog.

BAARGAAL.NET
Isja wararka horumarka calbari

SHARE

Author: verified_user