Posts

Nabadoon Xarago oo Boosaaso lagu Xiray, Maxaase lagu Xiray?


Baargaalnet{Boosaaso}-Wararka aanu ka helayno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ee Gobalkaasi Xabsiga dhigeen Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibrahim (Xarago) oo ka mid ah nabadoona Gobalka Bari ahna Afhayeenka nabadoonada Gobalka Bari.

Xariga Nabadoonka yaa la sheegay in uu salka ku hayo waraysu uu siiyay idaacada Daljir kaasi oo ku aadanayaa Muran ka jiray habkii loo soo xulay Xildhibaanada Golaha deegaanka Dagmada Boosaaso waxaana Amarka xariga bixisay Maxkamada darajada koowaad ee Gobalkasi kadib eedayn loogu soo jeediyay in uu nabadoonku aflagaadeeyay Maxkamadaha Puntland.

Nabadoon Xarago ayaa waraysigiisa ku tilmaamay Maxkamada sare ee Puntland mid la darajo ah Maxkamada adduunka ee ICC ,Waxayna Maxkamada sare ee Puntland horay u xukuntay in afar Xubnood oo ka mid ah Golaha deegaanka dagmada Boosaaso ay si sharci darro ah ku soo galeen Golaha taasi oo uu nabadoonku ka soo Horjeestay

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain