(Sawiro) Abaalmarino la Guddoonsiiyay Haldoorka bulshada Boosaaso

Munaasabad Abaalmarino lagu Guddoonsiiyay Rag iyo Dumar door wayn ka qaatay hormarka Boosaaso,ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana abaalmarinta loogu magac daray RAJO.

Abaalmarinta oo ahayd mid caalami ah,ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Gole ay ku Midoobeen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay hormarinta danta dalka iyo dad Soomaaliyeed.

Haldoorka Abaalmarinta la Guddoonsiiyay oo ka koobnaa todoba qof,ayaa kala ahaa;-

1-Janaaral Cali Ismaaciil oo ah Guddoomiyihii Guddiga hormarinta Boosaaso.
2-Xaawo Cali Jaamac Guddoomiyaha Dalada Haweenka eeWAWA.
3-Prof. Khaliif Maxamed Bare Tifaftiraha Wargeyska Kaaha Bari.
4-Guddoomiyaha Jaamacadda PIADAM Maxamed Muumin Yuusuf.
5-Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumka Caafimaadka Cabdirisaaq Xusseen Xassan.
6-Cabdullaahi Sheekh Milkiilaha Xalwo Kismaayo Group.
7-Aamiin Cabdullaahi Axmed oo ah Farshaxamiiste muddo badan ka hawlgalayay Boosaaso,

Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ooka mid ahaa Aqoonyahankii Aasaasay Abaalmarinta Rajo,ayaa sheegay in ujeedooyinka ay ka lahaayen Barnaamijka ay qayb ka ahayd in bulshadu ay ku tartamaan Wannaaga iyo hormarka.

‘’Annaga ujeedada aan Barnaamijkanka lahayn wuxuu ahaa;- kow in dadka wax qabtay lagu Abaalmariyo,hadafka labaad wuxuu ahaa in arrintan ay tusaale u noqoto dad kale sanadaha soo socda ka qayb galaan Abaalmarinta,hadafka saddexaad wuxuu ahaa inay abuurmaan jawi dadku ay ku tartamaan wannaaga’’Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamuud Maxamed.

Duqa degmada Boosaaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada,ayaa sheegay in Barnaamijka rajo uu bulshada ka mudan yahay dhiirigalin.

‘’Waa Munaasabad qiima badan oo mudan in la dhiiri galiyo,waxaan ka qayb galka Barnaamijkan aan hakad u galiyay shaqooyin kale’’Ayuu yiri duqa degmada oo hadalkiisa sii wata.

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka hadlay Munaasabada ayaa yiri’’…‘’Waa wax taariikhda galaya waa hal-abuur cusub oo u baahan in lagu daydo,waa in lagu daydo nimanka fikradan keenay waxaa kale oo la rabaa in lagu daydo dadka la siiyay Abaalmarinta’’.

Janaaral Cali Ismaaciil oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga hormarinta Boosaaso,kana mid ahaa xubnihii Abaalmarinta la Guddoonsiiyay,ayaa sheegay in abaalmarinta uu u guddoomay dhamaan dadkii kala qayb qaatay shaqadii ay ku bilaabeen dhismayaasha Waddooyinka Laamiga ah ee Boosaaso.

‘’Hadiyada maanta anniga la ii dhiibay Macalimiinta,Ardayda iyo reer PIDAM oo dhan ayaa ku qaaday,hawshan rag baa hormuud ka ahaa waxaan xusayaa Marxuum Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil EEBE ha u naxariistee’’Sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Jaamacadda PIADAM Maxamed Muumin Yuusuf oo ka ka mid ahaa Haldoorka abaalmarinta guddoomay.

Guddoomiyaha Dalada Haweenka ee WAWA Xaawo Cali Jaamac oo ahayd haweenayda kaliya eek u jirtay Haldoorka Abaalmarinta la siiyay,ayaa sheegtay in rajo ay bulshada ku abuureen rajo,isla markaana uu Barnaamijkan uu yahay dhiirigalin.

Waa Abaalmarintii ugu horaysay ee nooceeda ah oo ka dhacda Soomaaliya,waxaana gabagabda Munaasabada mahadcelin balaaran loo jeediyay Aqooyahankii soo qabanqaabiyay oo uu hormuud u ahaa Cabdicasiis Maxamuud Maxamed.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

Developed by Jago Desain