(Warbixin+Sawiro ) Gudoomiyaha ka hortaga xaalufinta badda iyo Barriga ee Gobolka Gardafuu oo ka Hadlay Kaaluumaysiga Sharci Darada ah iyo Xaalufka Ba’an ee Lagu hayo Deegaanka


Muddo dheer waxaa wacyigalin balalaran ka waday Gobolka Gardafuu Gaar ahaan Degmada Baargaal iyo nawaxigeeda gudoomiyaha Ka hortaga Xaalufka badda iyo Barriga ee Gobolka Gardafuu yuusuf Salaad C/raxmaan asagoo qabtay kulamo badan oo looga hadlaayay xaalufka ba'an ee deegaanka lagu hayo , gaar ahaan xaalufka ay wadaan doonyaha iyo maraakiibta shisheeye.

Gudoomiyaha oo uga Warbixiyay Shabakada BAARGAAl.NET (Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari ) wacyigalinta ballaaran ay sameeyeen oo badda iyo barrigaba lahayd ayaa marka hore sheegay in ay soo arkeen dhibaatada haysata kalluumaysatadii deegaanka oo dhamaan aaladoodii badda kala soo baxay , saxiimadihii waqtigan shaqyn jirayna ay hada dhmaantood xeebta dhoobanyihiin taas oo uu u sababeeyay xaalufinta foosha xun ee ka socoto badda soomaaliya laga bilaabo lughaya oo ah badda cas ilaa raaskambooni oo badwaynta hindiya ah.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in xaalufintaas ay qaybo badan leedahay sida jariifka aduunka ka mamnuuca ah, xaawiga,kaluunka nool oo kaluunn kale lagu jilaabo ama caydi nool, sunta oo maraakiib lagu soo qaado , iyo doonyaha sida sharci darrada ah uga kaluumaysta badda soomaaliya oo ka kala yimaada yaman ,iiraan ,Pakistan,iyo maraakiib jariif ah oo badan oo dalal kale ka yimaada.

Dhinaca kake gudoomiyaha Ka hortaga Xaalufka badda iyo Barriga ee Gobolka Gardafuu ayaa walaac xoogan ka muujiyay shaqo la,aan baahsan oo haysata Kalluumaysatada xeebaha deegaanka kadib markii qiimaha kaluunka oo hoos u dhac wayn ku yimid, islamarkaana ay ku diideen doonyihii ganacsatada kadib doonyo iyo maraakiib kaluunka oo bilaash ku gurta kheyraadka badda oo soo buux dhaafiyay badda.

Suurta galnimada inay sababi karto xaalufka lagu hayo xeebaha dib usoo laabashada Burcadbadeeda ayuu sheegay gudomiyuiu hadii aan si degdeg ah arintan wax looga qaban inay taasi dhacayso.

Gudoomiyaha ka hortaga xaalufinta badda iyo Barriga ee Gobolka Gardafuu ayaa sheegay intay wacyigalinta wadeen inay la shireen ururada kalluumaysiga, dhalinyarada, ganacsatada ,culimada, isimada iyo waxgaradka ayna baaq cabasho ah oo qoraal ah u direen Madaxwaynaha puntland , xildhibaanada Barlamaanka, wasaarada amniga, arimaha gudaha ,iyo kalluumaysiga iyo taliska ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Dhinaca kale wuxuu sheegay gudoomiyuhu inay soo arkeen xaaluf uu sheegay in ay ku hayaan dhirta dadka ka ganacsada dhuxusha asagoo ugu baaqay wasaarada Deegaanka iyo duurjoogta puntland inay talaabo degdeg ah ka qadaan sidii arintaas looga hortagi lahaa.

DAAWO SAWIRADA






Developed by Jago Desain