Hishiiskii Magaalada Muqdisho, Awooda Dawlad Goboleedka Puntland ka heshay iyo saamiga Maamul Goboleedyada Kale

Hishiiskii Magaalada Muqdisho, Awooda Dawlad Goboleedka Puntland ka heshay iyo saamiga Maamul Goboleedyada Kale
Shirkii hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo beesha Caalamka ee tan iyo 24-kii bishaan Janaayo si toos ah iyo si gaar gaar ahba uga socday magaalada Muqdisho ayaa ugu dambayntii ku soo dhammaaday natiijo ka mid ah noocyadii horay la iskugu diidanaa ee muranku ka taagnaa, waxaana ugu dambayntii shirka oo lasoo gunaanaday 27 Janaayo 2016, iyadoo natiijadaas ay dowladda Puntland si toos ah uga hortimid ayna sheegtay inuu yahay mid aysan ku jirin maslaxadda ummadda Soomaaliyeed maadaama dib loogu noqonayo nidaamka fashilmay ee 4.5.

War-murtiyeedka waxyaabaha lagu qoray waxaa ka mid ah sharaxaad laga bixiyey qaabka loo soo xulayo xubnaha aqalada sare iyo hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in qaababkaan oo la sheegay inay tahay dastuur iyo qabyaalad la isku dhafay.

War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in intii shirarku socdeen ay madaxda Soomaalidu si isku mid ah hoosta uga xariiqeen in waqtiga oo gaaban iyo cabaqado dhinaca ammaanka ah oo jira loo baahan yahay in la qaabeeyo qaabka ugu sahlan ee Soomaaliya ay doorasho uga qabsoomi karto.

Waxaa kale oo War-murtiyeedka lagu sheegay in la isla qirsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan inaysan jiri doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda jirta.

Hawlgalayaasha caalamiga ah (international partners) ayaa lagu sheegay inay soo dhaweeyeen heshiiska noocaan ah, halka maamul goboleedyada qaar kood gaar ahaan Puntland ay heshiiskaan ka hor timid.

Shaxda wax qaybsiga ugu fiican ee qabsoomidda doorashooyinka 2016.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA.

*Tirada kuraasta xildhibaanada ee aqalka hose waxay noqon doontaa 275.

*Kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka waxaa lagu meelayn doonaa iyadoo la tixraacayo qaacidada 4.5

*Ugu yaraan qoondo 30% kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka waxaa la siinayaa haweenka.

* Codaynta iyo tirinta waxay ka dhacaysaa caasimadaha maamul goboleedyada jira iyo xubnaha soo baxaya ee dowladda federaalka (iyadoo qorshe gaar ah loo samaynayo Somaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA.

*Aqalka sare ee baarlamaanka waxaa la dhisayaa ka hor dhismaha aqalka hoose ee baarlamaanka.

*Aqalka sare ee baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay 54 xubnood.

*48 xubnood oo ka mid ah waxaa si siman loogu qaybinayaa maamul goboleedyada jira iyo kuwa soo baxaya ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah (Somaliland, Puntland, Galmudug,Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland).

*6-da Xubnood soo haray ee aqalka sare ee baarlamaanka waxaa loo qaybin doonaa si siman Somaliland iyo Puntland, iyagoo lagu qiimaynayo diiwaankooda Siyaasadeed iyo qaan-gaarnimadooda iyo inay yihiin Maamul goboleedyada ugu gobolada badan.

*Ugu yaraan qoondo ah 30% kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka waa in la siiyaa haweenka.

* Xubnaha aqlaka sare ee baarlamaanka waa in laga soo doortaa gobol walba ee maamul goboleedyada jira iyo kuwa soo baxaya ee federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayntii War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay u mahadnaqayso hogaamiyaasha maamul goboleedyada, Dadweynaha Soomaaliyeed iyo howlagalaasha Caalamiga ah dadaalkooda ay dalka horay ugu dhaqaajinayaan, heshiiska noocaan ahna uu yahay mid ku jaan go’an 2016 oo kaliya, ayna dowladda federaalku rajaynayso in shacabka Soomaaliyeed ay gaaraan maalinta ay codkooda wax ku soo dooran doonaan.

Baargaal.net
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain