SAWIRO: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn loo Canbaareeyay Kadib markii uu u sujuuday Askari Keenyaati ah

SAWIRO: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn loo Canbaareeyay Kadib markii uu u sujuuday Askari Keenyaati ah
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay xus baroor diiq ah oo loo sameeyay ciidamadii Kenya ee lagu dilay 15-kii bishan Janaayo deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Munaasabada ayaa sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, iyadoo ay khudbado ka jeediyeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin mudan in la xasuusto wax uu ku sheegay “geesiyaasheenii naga dhigay”.

“Halkan waxaan u imid anigoo ku hadlayo magaca Madaxweynaha Somalia, inaan xasuusano geesiyaasheenii naga dhintay, marna ma hilmaami doono, waxaan leeyahay waa mahadsanid Kenya

Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan u murugooneyno inaan sii macsalaameyno geesiyaashii dagaalka nooga dhintay, sabab bini’aadanimo aniga hadaan ahay Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Somalia waxaan safar usoo galay oo haalkaan u imid inaan qosysask iyo dowladda u muujino geesiyaashii usoo gurmaday Somalia, isla markaana aan muujino sidaan ugu faraxsanahay naf-hurida ay Kenya u sameeyeen Soomaaliya, iyo sida qotada dheer ee Soomaaliya la joogteen, Soomaaliya weligood abaal ayey idiinkaga hayn doontaa gudaha Kenya iyo banaankaba” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.


Madaxweynaha Kenya ayaa dhanka kale, ka tacsiyadeeyay geerida askartii ka dhintay, isagoo aan sheegin tirada kaga dhimatay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday in howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan in ay sii wadi doonaan howlgalka.

Wuxuu sheegay in tallaabada dhabta ah ee Kenya in ay tahay in ay xaqiijiyaan sababtii ay u tegeen Soomaaliya, isla markaana ay dheg jalaq u siin doonin hadalada jilicsan ee guuldarada.

Ka qeybgalka munaasabada baroordiiqda ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baraha bulshada ka dhex dhaliyay dood ballaaran, iyadoo ay cambaareynayaan dad badan iyagoo aan fiirin jiritaanka nidaamka dowladeed iyo mida diblumaasiyad.
Developed by Jago Desain