TOP NEWS : Wafdi ka socda Beesha Caalamka & DAwlada Fedraalka Soomaaliya oo ku soo wajahan Puntland

TOP NEWS : Wafdi ka socda Beesha Caalamka & DAwlada Fedraalka Soomaaliya oo ku soo wajahan Puntland
warar warbaahinta soo gaaraya ayaa sheegay in wafdi Beesha Caalamka & Dawladda Faderaalka ka socda ay maalmahan ku soo wajahan yihiin  Deegaanada Dawlad Goboleedka Puntland , si ay ula kulmaan Madaxda dawladda Puntland ugalana hadlaan arrimaha ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo aqbalaada wixii ka soo baxay shirkii Muqdisho.

Wafdigaas waxaa dhinaca Beesha Caalamka hogaaminaya Ergayga cusub ee QM ugu xilsaaran Arrimaha Soomaalida oo shalay mar uu ka hadlayey Qaramada Midowbay si aan xaqiiqo aheyn uga hadlay wada hadaladii Muqdisho, halka dhinaca dawladda faderaalkana uu hogaaminayo Raiisul wasaaraha Dawlada Fedraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

wararka qaar ayaa tibaaxaaya in Dawlada C/wali Gaas  qorshaynayso inay ka cudurdaarato  la kulmida wafdigan ka imaanaaya caasimada muqdisho 

Dawlada Puntland ayaa warmurtiyeed ay soo saartay ku eedeesay Beesha Caalamka inay dhinac ka tahay siyaasada Soomaaliya.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain