Akhriso: Khidmado iyo Shatiyo Lagu soo Rogay Kalluumeysatada Kalluunka ka jilaabta Xeebaha Puntland

Akhriso: Khidmado iyo Shatiyo Lagu soo Rogay Kalluumeysatada Kalluunka ka jilaabta Xeebaha Puntland
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland ayaa soo bandhigtay khidmado iyo shatiyo ay ku kordhisay kalluumeysatada kala duwan ,Kulan ay soo qabanqaabisay ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland iyo Wasiir dowlaha Wasaaradda.

Guddiyada kala duwan ee Kalluumeysatada iyo Badmaaxyada magaalada Boosaaso ayey la kulantay Wasaaraddu kaasoo ay kusoo bandhigeysay khidmadaha iyo shatiyada cusub kalluumeysatada ka Jilaabta xeebaha deegaanada Puntland.

Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamuud Maxamed Cali Gabax ayaa ugu horeyn ,waxaa ka warbixiyey Ujeedka kulanka iyo qaabka ugu haboon ay Wasaaraddu u qaadi doonto khidmadaha iyo Shatiyada cusub.

Maxamuud Maxamed Cali Gabax ayaa sheegay in Tarifida ay tahay Ujeedada laga leeyahay in kheyraadka lagu tashiilo sidoo kalena bulshada loogu abuuro shaqo oo kalluumeysatada laga iibsado kalluunka.

Dr Cabdirixmaan Jaamac Kulmiye oo ah Wasiir dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland ayaa ka hadlay baahida keentay in la bedelo khidmadaha iyo shatiyada xiligan.

Waxa uu sheegay in ay ka jawaabayeen baahida iyo cabashada ay qabaan dad kalluumeysatada ah iyo dadka degaanka ah si looga dhabeeyo isla markaana ay soo rogtay tallaabooyin dhowr ah.

Guddiyada kala duwan ee Kalluumeysatada iyo Badmaaxyada magaalada Boosaaso ayaa soo dhaweeyey tallaabadan cusub ay qaaday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland.





SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain