Posts

Akhriso: Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo Caawa u duulay Dalka Maraykanka

Wararka laga helaayo Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Caawa abaara 10:30 PM uu Madaxweynaha Punland C/weli Gaas ka dhoofay halkaas isagoo ku wajahan Dalka Maraykanka oo ay degganyihiin Qoyskiisa.

Socdaalka Madaxweyne Gaas ee Maraykanka ayaa lagu sheegay Booqasha Qoyskiisa ah isagoo muddo ka badan 2 sanno ka soo maqna waana socdaalkiisi ugu horeyay ee halkaas uu ku tago tan iyo wixii ka dambeeyay markii u Madaxweynaha Puntland noqday 8-dii Janaayo 2014.

Safarka Gaas ee Dalka Maraykanka ayaa meesha ka saaraysa Warar la isla dhex marayay oo sheegayay in uu ka qaybgeli doono Kullanka Istanbuul ee Arrimaha Soomaaliya.

Inkastoo uu Madaxweyne Gaas joojiyay socdaalkiisi Turkiga haddana waxa jira Wafdi Wasiiro Puntland ah oo ku sugan Istanbuul kuwaaso ka qaybgalaya kulan looga hadlayo dhanka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, waana kulan hordhac u ah kan Siyaasadda waxana la sheegayaa in Wafdiga Puntland ee ku sugan Istanbul aysan ka qaybgeli doonin kullankan labaad ee looga hadlayo Arrimaha Siyasadda Dalka Soomaaliya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain