Bandhig lagu falanqaynaayo dhibaatadii Gaartay wadada Lafa Goray iyo Booqashadii isimada Puntland ee wadada oo Lagu qabtay Garowe

Maanta oo Sabti ah, taariikhda tahay Feberaayo 27, 2016 ayaa lagu qabtay xaflad iyo bandhig lagu falanqaynayo booqashadii Issimada Puntland ku tageen wadada Lafagoray ee Gobolka Gardafue. 

Bandhigan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee lagu baahinayo dhibaatada gaadhay wadada, islamarkaasna bulshada reer Puntland loogu iftiiminayo baahida

gobolka ka jirta, waxyaabahii dadka deegaanka ay ka qabteen ee ku wajahnaa waxqabadka wadada sidii ay u dhaceen duufaanadii Capala iyo Meg.

Bandhigan ayaa isugu yimid ururrada haweenka ay hogaaminayso Wasaaradda Haweenka, Issimada Puntland qaarkood sida: 


Suldaan Abdiqani Qorane ahna injineer dhismaha madasha kasoo bandhigay isagoo aad u baahiyay dhibka meesha ka jira, barwaaqada Allah ku manaystay gobolka, wanaaga dadka ku sugan Gardafue, sidoo kale Suldaan Subeer ayaa isna kaalin wayn ka geystay xoojinta dhisitaanka iyo dhamaystirka wadada,


Suldaan Abdullaahi Ciid oo duco iyo waano ku daray si loogu wadaduubto howsha wadada iyo, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo iyagana soo gunaanaday bandhiga xafladda.


Xaga Dowladda Puntland waxaa yimid, Xildhibaan Maxamuud Dheere, Qaasim oo ah Gudoomiyaha Ku Xigeenka Koowaad ee Gobolka Nugaal, Wasiirka

Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Anisa Hajimumin, Wasiirka Dastuurka, Wasiir Cali Ciise, Wasiir Ku Xigeenka Howlaha Guud, Abdirahman Dijano, Taliyaha Hogaanka Guud ee Boliiska Puntland, Gaashaanle Maxamed Xirsi Cumar Samatar.

Waxaa intaa dheer oo halkaa yimid, xildhibaano iyo wasiiro hore, oo uu ugu horeeyo Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Arrimaha Gudaha Federaalka, Abdirahman Bangax, Wasiir Dowlahii hore ee Puntland ee Maamul Wanaaga, 
Maxamed Faarax Isse Gaashaan, Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Cadaalada, Cabdqulqaadir, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug, Maxamed Yusuf Tigey oo xiriirinayay xaflada, aqoonyahano ugu horeeyay Dr. Abdirahman Sulub, culumaa'udiin uu ugu horeeyo Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika, Faraceeda Garoowe, Musassa Minhaaj oo hogaaminayay Sh. Mukhtaar, dhalinyaro,

Xafladda waxaa lagu aruuriyay lacag $10,000 gaaraysa. Anisa Hajimumin,Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa balan qaaday $2000, Suldaan Subeer $2000, Suldaan Abdiqani Qorane

$2000, Wasiir Ku Xigeenka Howlaha Guud, Abdirahman Dijano, $1000.

Waxaa ummada lagu booriyay inay ka qayb qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa wadadan, halka lacagta lagu soo dirayo waa:


ACC# 408938
Salaam Bank 80025651
Sahal 7739111
Halkan Hoose Ka daawo Sawiradii wadada Lafagoray iyo wafdigii isimada ahaa ee halkaas Booqday ,




Developed by Jago Desain