Dhagayso: Guddoomiyaha Gobolka Bari oo shaaciyay inuu baxsaday C/ samad Gallan ( Hub & Maleeshiyo la qabtay)

Dhagayso: Guddoomiyaha Gobolka Bari oo shaaciyay inuu baxsaday C/ samad Gallan ( Hub & Maleeshiyo la qabtay)
Gudoomiyaha gobolka Bari Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey ee mudaharaad kooban oo saaka magaalada kadhacay iyo howlgal ay galabta sameeyeen ciidamada ammaanka ee gobolka Bari.

Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), ayaa sheegay in dadkii saaka banaanxa dhigay ay laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Bari lasocdeen, cida soo abaabushay, kuwa ka qaybgelayey iyo cidkasta oo ku luglahayd.

Dhedo wuxuu nasiib xumo kutilmaamay in rabshado noocaasi oo kale ah ay dad aan dalka ka fekerayn ay soo abaabulaan ayna waxyeelo gaarsiiyaan dad shacab ah, wuxuuna tilmaamay in ujeedkoodii uusan u hirgelin laakiin ay carruur iyo haween marin habaabiyeen.

Dhanka kalena gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay in dowladda Puntland ay diyaar utahay dhegeysiga dareenka iyo cabashada shacabkeeda laakiin aysan aqbali doonin in dad dano gaar ah wata oo xitaa kuwa aan reer Puntland ahayn ay ammaanka qalqal geliyaan.

Yusuf Maxamed Wacays Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa Saxaafadda u sheegey in guriga Gallan ay ku soo qabteen 6 Malayshiyaad ah oo mid dhaawac yahay, baabuurta dagaalka, rasaas iyo qoryo, laakiin Cabdisamad Gallan uu ka baxsadey guriga, sida uu warbaahinta u sheegay.


DHEGEYSO SHIRKII JARAA’ID



Developed by Jago Desain