DHAGEYSO: Dawladda Shiinaha oo Xariir cusub la yeelan doonta dawladda Puntland

DHAGEYSO: Dawladda Shiinaha oo Xariir cusub la yeelan doonta dawladda Puntland
Dawladda Shiinaha ayaa shaacisay in dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu ahaa mid muhiimad weyn ugu fadhiya Soomaaliya xariirka ay la leeyihiin, gaar ahaana Mandiqada Puntland, waxaana sidaas lagu sheegay war lagu qoray Wakaalada Wararka ee dalka Shiinaha.

Agaasimaha Mashaariicda Garoomada iyo Ganacsiga ee dawladda Shiinaha Chen Wullin ayaa balan qaaday in ay Puntland ka caawin doonaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna amaanay dawladda Puntland soo dhaweyntii ay u sameeyeen Shaqaalaha Shirkadii CCECC ee dhistay madaarka magaalada Boosaaso.

Agaasimaha ayaa sheegay in Garoonka Boosaaso uu yahay Il dhaqaale oo isku xiri doonta Soomaaliya & Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay Garoonka nooca loo dhisey uu yahay kii ugu casrisanaa ee laga dhiso bariga Africa.

Wakaalada Wararka Shiinaha ee magaceeda la yiraahdo Xinhua ayaa soo xigatay in Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada ee dawladda Puntland uu sheegay in Garoonka ay ka soo dagi doonaan nooc kasta oo diyaaradeed, uuna fursad weyn u noqday Soomaaliya oo dhan.



Developed by Jago Desain