Posts

[Faallo]:Puntland oo mar labaad qaab qabiil ku soo xushay gudiga doorashooyinka Puntland ayadoo dhinaca kale ku doodaysa in deegaan wax lagu qaybsado


Maamulka uu madaxwaynaha ka yahay C/wali maxamed cali Gaas ayaa ku dhawaaqay gudi loogu magac daray gudiga doorashooyinka Puntland kuwaas oo ay kala magacaabeen madaxweyne gaas, iyo Gudoomiyaha barlamaanka puntland.

magacaabida Gudigaas ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo arimaha siyaasada ka faallooda ayagoo iswaydiiyay sababta keentay in waqtigan lagu dhawaaqo gudigan iyadoo aysan jirin wax wada tashiyo ah oo ay xukuumada c/wali Gaas la samaysay waxgaradka, isimada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada ee ku dhaqan Puntland.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood , ayaa waxaa dad badani iswaydiinayaan waxa tirada xubnihiisa sagaal loogu jaan gooyay , hadii aan sagaalka Gobolka ee puntland ka kooban tahay deegaan ahaan loogu qaybninayn.

magacaabida Guddigan ayaa waxaa ka muuqata cadaalad daro weyn oo ka fog xaqiiqada ka jirta Puntland iyo nidaamki saami qeybsiga beelaha walaalaha ah ee wada dhistay puntland iyadoo laga tagay Gobolka Gardafuu oo kamid ah Gobolada ugu baaxada wayn gobollada Puntland uguna khayraadka badan , kana mid ah gobolada dakhli badan oo cashuuraha ahi uga soo xaroodaan puntland.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Gardafuu oo awalba cadaalad daro ka tirsanaayay Xukuumada madaxwayne C/wali Gaas ayaa talaabadan u arka mid aan la qaadan karin , oo sawir cad ka muujinaysa in aan doorasho cadaalad ahi sidan ku dhici karin, hanaan dumiqraadiyadna lagu gaari karin

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain