Posts

Fayras La isugu Gudbin Karo Farriinta Talefanka Gacanta(Sms) Oo Khatar KU Ah Qalabka Ku Shaqeeya Anriod

Shirkadda Heimdal Security oo ka shaqaysa ammaanka barnaamijyada ay ku shaqeeyaan qalabyada casriga ah ayaa shaaca ka qaadday in uu dunida ku faafsan yahay Barnaamij Fayras ah oo awood u leh in uu la wareego maamulka iyo jihaynta hawsha talefanka gacanta ama qalabka kale ee uu gaaro.

Fayraskan oo ay shirkadda Heimdal Security sheegtay in uu isugu gudbin karo farriimaha gaagaaban ee talefanka gacanta (SMS).

Andhra Zaharia oo ah khabiir dhinaca ammaanka ah oo shirkaddan ka tirsan ayaa sheegtay in Fayraskan cusub oo lagu magacaabo Mazar uu marka hore talefanka ugu soo dhacayo farriin ahaan, kadibna qofku marka uu eego uu arkayo Link, u muujinaya in haddii uu taabto uu ku xirayo bog internet oo muhiim ah, marka uu qofku gujiyo ayay dhacaysaa in Fayraskaasi uu si weyn ugu faafo talefanka oo dhan, aakhirkana uu burburiyo barnaamijka uu ku shaqaynayo ee Android ka.

Andhra Zaharia waxa ay sheegtay in Fayraskan khatarta ah markii ugu horreysay la arkay bishii Kow iyo Tobnaad ee 2015kii, isla marka uu talefanka gacanta ku faafo waxa uu durbadaba dirayaa farriimo aanu qofka talefanka sitaa dareensanayn oo ku dhacaya dhammaan dadka xiriirka ay leeyihiin ee lambarradoodu ku kaydsan yihiin talefankan.

Dhibaatooyinka kale ee Fayraskani geysto waxaa ka mid ah in uu tirtiro dhammaan waxyaabaha talefanka ku kaydsan.

Fayraskani waxa uu burburin karaa dhammaan qalabka ku shaqeeya barnaamijka Android, laakiin waxa ay khubaradu sheegeen in marka keliya ee aanu talefanka burburin karin ay tahay marka luuqadda uu ku shaqaynayaa ay tahay Afka Ruushka. In kasta oo aanay khubaradu si faahfaahsan sababta u sheegin.

Ugu dambayntii dadka isticmaala talefannada iyo aaladaha ku shaqayeea Android waxa ay khubaradu kula talinayaan in aanay gujin (Click) Link kasta oo ku soo gaara qaab farriinta talefanka (SMS) ah, haddii aanay ahayn farriin uu hubo cidda u soo dirtay ama Link uu yaqaan oo ammaan ah, sidoo kale waxaa fiican in qofku uu ka taxaddaro faylashada uu ka soo dejisanayo Internet ka.

BAARGAALTECH
Wararka technologyada caalamka
Developed by Jago Desain