Posts

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo Ka qayb Galay Xaflad Lagu Abaalmarinaayay Ardayda Kaalmaha ugu Horreeya ka Galay Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Dugsiga Sare ee Degmada Baargaal ( Sawiro )

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo Ka qayb Galay Xaflad Lagu Abaalmarinaayay Ardayda Kaalmaha ugu Horreeya ka Galay Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Dugsiga Sare ee Degmada Baargaal ( Sawiro )
Xaflad lagu Abaalmarinaayay ardayda wax ka barta dugsiyada hoose/dhexe iyo Dugsiga Sare ee Degmada Baargaal ee kaalmaha ugu sareeya galay , ayaa lagu qabtay Dhismaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Bilaal ee Degmada Baargaal .

Xafaddan oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee Bilaal iyo Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen , waxa ka qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuuusuf Maxamed iidi , Gudoomie Ku xigeenka Degmada Baargaal Yuususf Maxamed xirsi ,Nabadoono , Cuqaal , Culumaaudiin , ganacsato , ururada Bulshada ,maamulka labada Dugsi , macallimiinta iyo waalidiinta Ardayda , iyo marti sharaf kale oo badan.

Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe ee Bilaal Macallin Shaafici Yuuusuf Shaafici oo ugu horreyn xaflada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka weyn ee ay u galeen kor u qaadista tayada iyo waxbarashad ardeyda , asagoo u mahad celiyay Gudoomiyaha Gobolka Gartdafuu , Gudiga Waxbarashada Degmada macallimiinta hawsha dhinac la qabtay,waaliidiinta iyo ardeyda laftooda.

Sidoo kale, waxa munaasibadda ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane C/qaadir Yuusuf Maxamed iidi oo ugu horeyn bogaadiyey una hambalyeey Ardayda maanta la baalmarinaayo

Gudoomiaha Gobolka ayaa tilmaamay in Waxbarashadu tahay furaha nolosha wuxuuna yiri :

" Waxbarashadu waa furaha nolosha, waa halbawlaha horumarka, Waxaanay umaduhu u kala horeeyaan, sida ay u kala aqoon iyo farsamo badan yihiin".

intaasi kadib waxaa xaflada gudeheeda la tartansiiyay Kooxaha 5 stars iyo Daljir oo u soo baxay finalka Tartan Aqooneedka iftiin oo ahaa tartan loo qabtay ardayda dugsiyada Dhexe ee Degmada waxaana tartan xiiso badan oo su'aalo badan laysu waydaarsaday ku guulaystay kooxda
Daljir oo la gudoonsiiyay Koobka kaalinta koowaad.

Gebagebadii xaflada Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo uu weheliyo Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Baargaal ayaa si wadajir ah shahaado-sharafyo iyo abaalmarino u gudoonsiiyeen ardaydii ku guulaystay Tartan aqooneedka iftiin iyo ardayda kaalmaha ugu sareeya
u galay fasaladooda sanad dugsiyeedkan.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain