isku day ay Burcad Badeed Ku afduuban lahayd markab ganacsi oo muujinaya Khatarta in Falalkii Burcadbadeedu dib u soo noqdaan sanadka 2016

isku day ay Burcad Badeed ay Ku afduuban lahayd markab ganacsi oo muujinaya Khatarta in Falalkii Burcadbadeedu dib u soo noqdaan sanadka 2016
ilo wareedyo Madaxbanaan oo soo gaaray wargayska IHS ayaa sheegay in maalintii arbacadii oo taariikhdu ku beegnayd 27- January Markab Ganacsi oo lagu magacaabo MSC Clara ( IMO 9708693 ) oo watay calanka Panama ay Burcadbadeed soomaali ah la beegsadeen weerar kadib markii uu soo dhexmaray marinka Bab el - Mandab . 

Xogta satellite-ka laga helay ee weerarkaas ayaa Muujinaysa markabka oo galaaya marinka saacada Caalamiga ah markay tilmaamaysay 06:47 UTC markaas oo uu weerar kaga yimi Koox burcad badeed soomaali ah oo ka soo kicitimay xeebaha mukulla ee dalka yaman ,intaasi kadibna ciidamada waardiyaha Gaarka ah ee Markabka ay ka hortageen iyagoo dilay mid ka mid ah burcad badeeda .

Markabka Clara MSC ayaa ka socdaalay Gacanka Cadmeed saacadu markay ahayd 17:36 UTC, meel 28 kiiloomitir u jirta xeebaha gobolka Bari maalintii xigtay oo ay taariikhdu ahayd 28 January , waxaa halkaasi gaaray Ciidamada Bilayska Badda Puntland ( PMPF )oo wata doomo dheereeya nooca ka hortaga Falalka Burcadbadeeda  iyadoo markii hore ay ilaalad markabku u qaateen weerar labaad oo burcadbadeeda kaga yimi.

Xigasho : IHS 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargal@gmail.com
Developed by Jago Desain