Posts

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay xubno ka tirsan gudiga doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dawlada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa Wareegto ku magacaabay shan xubnood oo Guddiga Doorashooyinka Puntland ka tirsan.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa, Maxamed Saciid Cumar u Magacaabay Xog-hayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland oo dhawaan billaabi doona Diiwaan-Galinta xisbiyada Puntalnd.

Magacayada Xubnaha la Magacaabay ayaa kala ah;

1. Cabdullaahi Cali Nuur
2. Maxamed Cabdille Faarax,
3. Naciima Cabdiraxmaan Guuleed
4. Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo)
5. Maxamed Soofe Xassan

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in xubnahan uu Magacaabay uu ku tix-geliyay Aqoontooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Ugu dambeyn, Xubanaha guud ee Gudiga Doorashooyinka Puntland ayay tiradoodu waxay ka kooban tahay Sagaal xubnood, waxaana xubnaha ka dhiman kuwa la magacaabay soo magaacbaaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaana magacaabista guddigan ay qayb ka tahay ballan-qaadyadii Madaxweyne Gaas uu sameeyay xiligii uu ku jiray ololaha doorashada madaxnimo ee Puntland.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI
Developed by Jago Desain