Puntland oo Weerar ku Qaaday Guriga Gudoomiyihii hore Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo la qabtey
Wararkii ugu dameeyey ee Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka Puntland ay weerar ku qaaden Guriga Gudoomiyihii hore ee Gobobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.
Weerarkan ayaa imaanaya, kadib markii maanta magaalada Boosaaso ay ka dheceen rabshado, islamarkaana ay sameeyeen dhalinyaro kuwaas oo sida wararku sheegayaan ay ku dhinteen gabar iyo nin, waxaana ku dhaawacmay shan ruux sida ay wararku sheegayaan.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaan la garanayn, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in labo qof oo ilaalada guriga ka mid ahaa ay ku dhinteen.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa looga sheki qabaa inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Bosaaso,waana sababta keentay gurigiisa in ay dowladu weerarto.

Gallan ayaa horray u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Gaas, waxaana tallaabadan timi xilli madaxwaynaha Puntland uu ku sugan yahay Magaalada Boosasso.

Ilaa hadda majirto cid katirsan dowladda iyo laamaha ammaanka gobolka Bari, kuwaas oo ka hadlay xaaladda kacsan ee Bosaaso.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain